Barasaabka Kajiado oo walaac ka muujiyay ugaarsiga maroodiga

0
175

Guddoomiyaha ismaamulka Kajiado Joseph Ole Lenku ayaa walaac ka muujiyay dhacdooyinka ugaarsiga maroodiga oo uu sheegay inay ku soo bateen xadka waddamada Kenya iyo Tanzania.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in falalkan laga gaysanaya dhanka seeraha qaran ee Amboseli National Park.
Bayaan uu Ole Lenku soo saaray ayaa waxaa ku cad in bilooyinkii la soo dhaafay la dilay ilaa saddex maroodi ah si looga ganacsado foolashooda.
Tani ayuu xusay in ay xadgudub ku tahay heshiisyada degsan ee lagu ilaaliyo duurjoogta ee iskaashiga bariga Afrika.
Barasaabka Kajiado ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay xoojinta kormeerka iyo in la qaado tallaabo adag oo ka dhan ah ugaarsiga duurjoogta.