Barasaabka Garissa oo ku baaqay in meesha laga saaro leesimada macdan qodotada

0
745

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa soo jeediyay in dowladda ay ka laabato leesimada ay siisay shakhsiyaadka iyo shirkadaha macdan qodotada ah ee dowlad deegaankaas.
Waxaa uu xusay in gacancsigan uu saameyn ku yeeshay badbaadinta bilicda deegaanka.
Mr. Qorane ayaa wasaaradda arrimaha deegaanka iyo keymaha ee dalka u sheegay in marka laga soo tago saameynta ku timid deegaanka ay sidoo kale waxyeelo soo gaartay waxyaabaha ay ku tiirsan tahay nolosha bulshada ku nool Garissa.
Sidoo kale guddoomiyaha Garissa ayaa codsaday in dowladda dhexe ay la timaado qorsho lagu garab istaagaya bulshada marti gelisay qaxootiga Dadaab si xal loogu helo dhibaatooyinka deegaanka.
Waxaa uu dhanka kale walaac ka muujiyay saameynta isbeddelka cimillada uu ku yeeshay nolol maalmeedka shacabka isaga oo ku baaqay in la guda galo dadaallo arrinkan wax looga qabanaya.
Cali Bunow Qorane waxaa uu xusay in abaarta soo noqnoqotay ay culeys wayn ku hayso xoolo dhaqatada .
Dowladda dhexe iyo saaxiibada dhanka horumarka ayuu ku boorriyay in aynan dadaalkoodu ku koobin keliya sidii looga hor tagi lahaa nolol saboolnimo.