Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka waxaa uu dowladda dhexe kaga codsaday in marka la gaaro xilliga bisha barakeysan ee Ramadaan dib u eegis lagu sameeyo saacadaha uu shaqeeynaya bandow shalay lagu soo rogay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Garissa.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa ku dhawaaqay in xaafadaha Tawakal, Raxma, Hodan iyo Mzuri uu bandow ka jiraya laga billaabo 6-da maqribnimo ilaa iyo 6-da aroornimo.
Amarkan oo xalay dhaqan galay ayaa socon doono muddo 30 cisho ah.
Hasa ahaate guddoomiyaha Garissa Cali Bunow Qorane ayaa doonaya in bandowga uu billowdo 10-ka habeenimo si dadweynaha ay fursad ugu helaan salaadaha taraawiixda ee bisha Ramadaan.
Waxaa uu qoraalkiisa ku soo jeediyay in saacadda uu bandowga habeenkii dhammaanaya in laga dhigo 5-ta aroornimo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la filayo in bisha Ramadaan ay billaabato horraanta bisha Afaraad ee nagu soo aaddan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay in tallaabadan ay daba socoto ka dib shacab xaafadahan ka tirsan oo isku dagaalay arrimo dhul awgood maalmo ka hor.
Dr Matiangi ayaa sheegay in weeraro ka dhan ah dhulalka Garissa oo dhawaan dhacay ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoona sido kale la gubay guriyo.
Laamaha ammaanka ayaa si wayn looga howlgeliyay goobaha ay dhibaatooyiinka ka dhaceen Garissa si ay ammaanka u sugaan.
23 qof ayaa hadda gacanta ugu jiraa ciidamada booliska kuwaas oo lala xariirinaya shaqaaqooyiinka dhawaan ka dhacay magaalada Garissa.
Wasiirka arrimaha gudaha dalka Fred Matiangi ayaa sido kale amray in si deg deg ah ilaa amar dambe loo joojiyo kala iibsiga dhulalka la isku heysto ee Garissa iyo bixinta waraaqadaha lahaanshaha dhulka.
Sidoo kale waxaan la sameyn karin baaritaannada qiimeynta ah ee dhanka dhulka.
Hoggaamiyaasha laga soo doortay deegaanada ay wax ka dhaceen ayaa sidoo kale lagu casuumay shir deg deg ah oo looga tashanayo soo celinta nabadda iyo wada noolaanshaha beelaha.
Sidoo kale dowladda dhexe ayaa dadka deegaanka ka codsatay in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka iyo in ay dowladda la wadaagaan xogta shaqsiyaadka hurinaya colaadaha.
While I welcome the curfew as a measure by the government to curtail land based criminal activities, I appeal to @InteriorKE CS @FredMatiangi to adjust curfew times from 10pm to 5am so Muslim faithfuls can observe Taraweh (night prayers) during Ramadan which starts on 2nd April.
— H.E Ali B.Korane (@HonAliKorane) March 23, 2022




