Barasaabka Bomet oo ka soo hormuuqday guddiga xisaabaadka aqalka sare

0
146

Barasaabka ismaamulka Bomet Hillary Barchok ayaa ka soo hormuuqday guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan xisaabaadka.
Waxaa su’aallo laga waydiinayay fulinta mashaariic horumarineed oo ah in ka badan 34 kuwaasoo uu hakad ku yimid ama aan loo fulin si lagu qanci karo.
Mashaariicdan ayaa waxaa dowladda ismaamulka Bomet uga baxday lacag dhan 332 milyan oo shilin oo ay ka mid tahay 83 milyan oo lagu qoday ceelal ilaa iyo hadda aan biyo laga helin.
Waxaa arrimahan shaaca ka qaaday hanti dhowraha qaranka Nancy Gathungu .
Guddoomiyaha ismaamulka Bomet Hillary Barchok ayaa guddiga xisaabaadka ee aqalka sare ee dalka u sheegay inuu soo dhisay guddi kala talinaya mashaariicda joogsaday ee u baahan in dhameystirkooda mudnaan la siiyo.
Waxaa uu senatarrada u sheegay in qaar ka mid ah mashaariicdan la billaabay intii u dhexeysay sanadihii 2013-2017 oo xita aynan lahayn dokumeentiyo la xiriira.
Guddoomiyaha guddiga xisaabaadka ee aqalka sare sidoo kalena ah senatarka ismaamulka Homabay ,Moses Kajwang ayaa sheegay in 34 mashaariic ah aan la dhameystirin ay micnaheedu tahay in canshuur bixiyeyaasha aynan waxba ka faa’iidin dhaqaalaha barnaamijyadan lagu maalgeliyay.