Barasaab ku xigeenka Siaya oo xilka laga qaaday

0
373

Golaha hoose ee ismaamulka Siaya ayaa tixgeliyay soo jeedin ka timid guddi gaar ah oo loo xil saaray inuu baaritaano ku sameeyo guddoomiye ku xigeenka dowlad deegaankaasi Wlliam Oduol oo lagu eedeyay habdhaqan xumo.
Guddiga ayaa ku taliyay in xilka laga xayuubiyo siyaasigan.
Kal-fadhi uu guddoominayay guddoomiyaha golaha hoose ee Siaya ,George Okode oo ay ka qayb galeen 42 wakiil ayaa si aqlabiyad leh loogu codeeyay in Oduol uu xafiiska baneeyo.
Waxaa hadda arrintan loo gudbinaya aqalka sare ee dalka si uu go’aanka wakiillada Siaya u ayido ama waxba kama jiraan uga soo qaado.