Ku xigeenka barasaabka ismaamulka Kisii Robert Monda ayaa iska fogeeyay eedeymo ay u jeediyeen wakillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi oo 29-kii bishii labaad ee sanadkan xil ka qaadis ku sameeyay.
Xilli uu maanta ka soo hormuuqday aqalka sare ee dalka ayuu gaashaanka u daruuray inuu ku kacay habdhaqan xumo wayn.
Eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ah inuu dastuurka ku xadgudbay , inuu ku tagriifay awoodiisa sidoo kalena uu sameeyay dembiyo qaran.
Monda ayaa ku eedeysan inuu dalbaday ka dibna la siiyay lacag laaluush oo dhan 800,00 oo shilin tani oo liddi ku ah farqada 232-aad ee dastuurka dalka oo qeexaysa in shaqaalaha dowladda laga doonayo ilaalinta mabaadi’ida adeegga dadweynaha.
Wakiillada golaha hoose ee Kisii ayaa ku doodaya in barasaab ku xigeenka uu qof shacab ah ka dalbaday inuu laaluush siiyo si uu uga caawiyo in canugiisa uu shaqo helo.
Monda ayaa sidoo kale lagu dhaliilay inuu si joogto ah shaqaalaha ismaamulkaasi uga weeciyay gudashada waajibaadkooda si ay uga howlgalaan shirkadiisa.