Dowladda ismaamulka Kericho ayaa bayaan ay soo saartay ku beenisay inuu is casilay guddoomiye ku xigeenkii Kericho Fred Kirui .
Waxay hoosta ka xarriiqday in wararka arrinkan ku aaddan ee lagu faafiyay baraha bulshada ay yihiin kuwo been abuur ah.
Agaasimaha isgaarsiinta ee ismaamulka Kericho Marrie Langat ayaa xaqiijisay in barasaab ku xigeenka uu weli xafiiska joogo oo uu dadweynaha u adeegaya.