Qaar ka mid ah barakacayaasha gudaha gobolka Nyanza ee loo yaqaano IDPs ayaa dacwad u gudbiyay baarlamaanka.
Waxay doonayaan in la dardargeliyo ansaxinta lacago magdhow ah oo ay dowladdu siiso maadaama uu khasaare ka soo gaaray rabshadihii dalka ka dhacay dhammaadkii 2007-dii iyo horraantii 2008-dii.
Dhibanayaasha oo intooda badan ka soo jeedo ismaamullada Kisumu, Kisii, Nyamira iyo Homa Bay ayaa sheegaya in xilligaasi si qasab ah looga barakiciyay dhulalkii ay deganaayeen iyo goobihii ay ku ganacsanayeen.
Wakiillada matalaya shakhsiyaadkan oo ka soo hormuuqday kulanka guddiga maamulka iyo amniga qaran ee baarlamaanka oo lagu qabtay Kisumu, ayaa sheegay in kastoo dowladda dhexe ay ballanqaad u sameysay in ilaa iyo hadda aan la siin lacago magdhow ah.
Waxaa kulanka shir guddoominayay xildhibaanka magaalada Homa Bay Peter Kaluma iyo dhigiisa deegaanka Seme , James Nyikal.
Maurice Opondo, oo u hadlayay barakacayaasha ayaa guddiga ku wargeliyay in dowladda ay soo saartay magdhow lacageed oo dhan 7.9 bilyan oo shilin si loogu qaybiyo barakacayaasha gudaha wadanka hasa ahaate la bixiyay keliya 3 bilyan oo lacagtaasi ka mid ah.
Waxaa uu xubnaha guddiga ka codsaday inay baaritaan ku sameeyaan sababta aan ilaa iyo hadda loo bixin ku dhawaad 5 bilyan oo shilin.
Xildhibaan Peter Kaluma ayaa ballanqaaday inay warbixin u gudbin doonaan golaha qaran ee xeer dejinta si dhammaan dhibanayaasha loo siiyo lacagaha magdhowga ee dowladda uga maqan.
Rabshadaha ay saameynta ka soo gaartay dadkan ayaa yimid ka dib markii lagu murmay natiijadii doorashadii madaxtinimo ee sanadkii 2007-dii.
Wasaaradda adeegga dadweynaha iyo barnaamijyada gaarka ah ayaa horay u sheegtay in dhacdooyinkii amni darro ee xilligaasi jiray lagu dilay ugu yaraan 1,300 qof halka ay ku barakaceen 663,921.