Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i iyo dhigiisa isgaarsiinta Joe Mucheru ayaa maanta si rasmi ah u furay xarun gaar ah oo loogu talagalay in wax looga qabto naceybka iyo kicinta dadweyne ee lagu fuliyo baraha bulshada.
Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in la xakameeyo qoraallada iyo hadallada lagu wadaago baraha bulshada si aynan u dhaawicin xasiloonida guud.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda dhexe ugu jirto xaqiijinta sidii doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay u noqon lahayd mid nabad ah.
Wasiirka ICT-da ee dalka Joe Mucheru ayaa carrabka ku adkeeyay in cid kasta ay mas’uuliyad ka saaran tahay waxyaabaha ay soo dhigto baraha bulshada sidaas awgeedna laga doonayo inay ogaato in arrintii dhib keenaysa lagula xisaabtami karo.