Bannaanbaxyo lagu taageeraya Falastiin oo ka dhacay Jordan, India iyo Bangladesh

0
265

Shacabka Jordan, India iyo Bangladesh ayaa dhigay bannaanbaxyo ay taageero ugu muujinayaan shacabka Falastiin oo ay uga soo horjeedaan duqeymaha Israa’iil.
Dibadbaxyada Jordan ayaa ka dhacay meel u dhow safaaradda ay Israa’iil ku leedahay caasimadda dalkaasi ee Cammaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo weerarrada ay Israa’iil ka wado Qaza ay galeen maalinkii 28-aad.
India , waxaa bannaanbaxa lagu qabtay xaafadda Watgunji ee degmada Kolkata .
Bangladesh, dibadbaxayaasha ayaa dareenkooda muujiyay iyagoo sito boorar ay ku qoran yihiin waxaan cambaareynayna gar-darrada Israa’iil.