Bannaanbaxyada Mexico oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 120 qof

0
103

Ugu yaraan 120 qof, oo u badan saraakiil booliis ah, ayaa Sabtidii dhaawacmay iyadoo kumanaan qof ay ku bannaanbaxeen magaalada Mexico si ay uga mudaaharaadaan dowladda Madaxweyne Claudia Sheinbaum, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.
Mudaharaadka ka dhanka ah rabshadaha daroogada iyo siyaasadaha amniga ee Sheinbaum ayaa lagu soo abaabulay baraha bulshada.
Sheinbaum, oo xukunka haysay tan iyo bishii October ee 2024-kii, ayaa waxaa hoos u dhacay qiimaynta oggalaanshaheeda ka dib markii ay la kulantay dhaleeceyn ku aaddan siyaasaddeeda amniga sababo la xiriira dilal dhowr ah oo ka dhacay dalkaas.