Bannaanbax lagu taageeraya Falastiin oo ka dhacay Australia

0
192

Waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia lagu qabtay bannaanbax wayn oo taageero loogu muujinaya shacabka Falastiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Israa’iil weli duqeymo ka wado marinka Qaza.
Shacabka Australia oo Axaddii Tobnaad ee xiriir ah dibadbaxa ka sameeynaya bartamaha Melbourne ayaa dalbaday in si degdeg ah loo soo afjaro weerarrada Qaza.
Dadka ayaa ku dhawaaqaya oraah ay ka mid tahay in Falastiin ay xoroobi doonto.