Bannaanbax ka dhacay Muqdisho iyo waalidiinta dhallinyarada tababarka loogu qaaday Erateria oo hadlay

0
554

Qaar ka mid ah Waalidiinta Carruurtooda tababar Ciidan ay dalka Ereteria ugu qaadday dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta bannaanbax ka dhigay Aargada Isgoyska Km4 ee Magaalada Muqdisho.
Waalidiinta ayaa waxaa ay bannaanbaxa ku taageerayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ugu tegay Dhallinyarada tababarka Ciidan loo geeyay Ereteria, kuwaas oo nolol ama geeri lagu la’aa.
Dadka dibadbaxa dhigay oo qaarkood ku dhawaaqayay Erayo ay ka mid yihin, (MAANTA MAANTA WAA MAALIN WaYN EE MAAANTA) ayaa waxaa ay sheegeen inay aad u farxeen markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xerada ay ku sugan yihiin uu ku booqday Carruurtooda oo ay weysnaayeen muddo ka badan laba Sano.
Waxaa ay sheegeen in dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ay dhageysan weyday cabashada Waalidiinta, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ay rajo ka qabaan in uu dib ugu soo celiyo Soomaaliya Carruurtooda tababarka Ciidan loo geeyay dalka Ereteria.
Dooda badan ayaa hareeyay intii ay maqnaayeen Dhallinyarada tababarka Ciidan loogu qaaday dalka Ereteria, waxaana Xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud ay sheegi jireen in dhallinyaradaas laga qayb geliyay dagaalkii ka socday dalka Itoobiya.