Bangiga KCB ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray barnaamij uu qarashaadka waxbarashada ee dugsiyada sare uga bixinaya arday ka soo jeedo dhammaan ismaamullada dalka.
Ardayda ayaa dugsiyada iska xaadirin doono inta u dhexeysa 2-da ilaa 6-da bisha sideedaad ee sanadkan iyadoo la raacaya tilmaamaha wasaaradda tacliinta.
Boqolkiiba 40 ee ardaydan ayaa ah kuwa qabo baahiyaha gaarka ah.
Ka dib qiimeyn la sameeyay ayaa waxaa deeqda waxbarasho ee bangiga KCB ee sanadkan ka faa’iidaysanaya 290 arday ah tani oo tirada guud ee ilaa iyo hadda la caawiyay ka dhigaysa 3,390.
Mas’uuliyiinta hay’adda bangiga KCB u qaabilsan dhanka barnaamijyada bulshada ayaa sheegay inay fursadda siinayaan ardayda buundooyin wanaagsan ka soo hooyay imtixaankii KCPE-da sidoo kalena ka soo jeedo qoysaska danyarta ah.