Bangiga Adduunka oo Kenya ku taageeraya 156 bilyan oo shilin

0
315

Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay qaybtii ugu horreysay ee taageerada dhaqaale ee uu siinaya dowladda Kenya taasi oo ah 1.2 bilyan oo doollar una dhiganta 156 bilyan oo shilin.
Tani ayaa dalka ka caawin doonto fududeynta culeysyada maaliyadeed ee hadda jira iyo dardargelinta xeerarka dhanka deegaanka.
Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan Kenya ,Keith Hansen ayaa sheegay in marka lala tacaalo xaaladaha dhaqaale ee taagan loo gudbi doono xallinta caqabadaha muddada dheer.
Waxaa uu intaasi ku daray in bixinta deeqdan looga gol-leeyahay in shaqooyinka ay noqdaan kuwo si wayn loogu tartamo iyo in la xoojiyo dadaallada ay Kenya ku maareynaysa saameynta isbeddelka cimillada.