Bangiga adduunka ayaa sheegay in dhaqaalaha wadanka Myanmar uu sanadkan hoos u dhici karo boqolkiiba 10 xasilooni darrada jirta awgeed.
Waxay tani ku soo aadaysa iyada oo dibadbaxayaasha ka soo horjeedo afgembigii ay militariga wadanka Myanmar sameeyeen bishii hore ay maanta oo Jimco ah sii wadaan mudaharaadyada.
Warbaahinta Mizzima ayaa ku warramaysa in shacabka ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada Mandalay.
Dadweynaha ayaa sita qoraalo ay ka mid tahay dhaqdhaqaaqa amar diidada rayidka.
Wadamada sida Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa horay xayiraado ugu soo rogay shirkado lala xiriirinaya militariga Myanmar si ciidamada difaaca loogu cadaadiyo in ay maamulkii rayidka talada dib ugu celiyaan.