Bandow Qaran oo lagu soo rogay Sierra Leone

0
207

Dowladda dalka Sierra Leone ayaa wadankaasi ku soo rogtay bandow qaran.
Tani ayaa timid ka dib markii rag hubeysan ay weerareen saldhigyo militari oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Freetown.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ay soo saartay dowladda Sierra Leone.
Dowladda Sierra Leone ayaa maanta sheegtay inay iska caabisay weerar lagu soo qaaday xerada ugu wayn ee ciidamada militariga ee xaafadda Wilberforce iyadoo xaaladda la dejiyay.
Wasiirka warfaafinta ee dalkaasi Chernor Bah ayaa dadweynaha ugu baaqay inay guriyahooda ku sugnaadaan iyadoo laamaha ammaanka ay ku dadaalayaan in la soo xiro dadkii weerarka soo qaaday.
Tani ayaa imaanaysa ka dib bilooyin ay wadankaasi ka socdaan rabshado xigay doorashadii dhacday.