Bandow lagu soo rogay qaybo ka mid ah gobolka Rift Valley

0
341

Dowladda dhexe ayaa amar bandow ah oo shaqeynaya muddo bil ah ku soo rogtay qaybo ka tirsan Waqooyiga gobolka Rift Valley.
Tani ayaa timid ka dib markii falal amni darro oo isugu jiro burcadnimo iyo dhaca xoolaha ay ku soo noqnoqdeen ismaamullada halkaasi ku yaalla.
Bandowga oo jiraya inta u dhexeysa 6-da maqribnimo ilaa 6-da subaxnimo ayaa dhaqan galaya maanta oo Talaado ah.
Ujeeddada laga leeyahay amarkan ayaa lagu sheegay xoojinta amniga iyo cirib tirka kooxaha burcadda ah.
Ismaamullada oo amarkan saameynaya ayaa kala ah West Pokot, Elgeyo Marakwet, Laikipia, Baringo, Samburu iyo Turkana.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa bayaan ku sheegay inta uu bandowga socdo in aan la qaban karin kulamo dadweyne, socdaal shakhsiyeed ama koox ahaan haddii aan oggolaansho qaab qoraal ah laga haysan taliyaha guud ee booliiska dalka.
Bayaanka wasiir Kindiki waxaa sidoo kale ku xusan in cid waliba oo gudaha dalka ku haysata hub sharci darro ah loo qabanaya muddo saddex cisho ah oo ay si shuruud la’aan ah ugu wareejinayso dowladda haddii kale in awood loo adeegsan doono.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa amni darrada ka taagan Waqooyiga Gobolka Rift Valley u aqoonsaday inay tahay xaalad qaran oo degdeg ah.
Waxaa uu sheegay in 6-dii bilood ee la soo dhaafay ay kooxo burcad ah halkaasi ku dileen in ka badan 100 qof oo shacab ah iyo 16 sarkaal oo booliis ah.
Tani ayaa horseedaysa in awood militari loo adeegsado cirib tirka kooxaha burcadda ah.
Saameynta ugu badan ee burcadnimada ayaa waxay soo gaartay saddexda ismaamul ee kala ah Baringo, Turkana iyo Elgeyo Marakwet.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii uu dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto shaaciyay in Waqooyiga Rift Valley laga fulinaya howlgal amni oo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada difaaca iyo saraakiisha kale ee amniga.