Maamulka Tuulada Kamiu ayaa soo rogay bandow habeenkii ah ka dib markii laga helay labo meyd oo hareeraha wadada isku xirta Kamiu iyo Dooxada Blue Valley subaxnimadii hore ee saaka.
Guddoomiye xaafadeedka tuulada Kamiu Sammy Njagi ayaa xaqiijiyay in bandowga la dhaqan galin doono laga bilaabo 9:00 PM fiidnimo ilaa 6:00 AM Subaxnimo. Waxaa uu ka digay in cid kasta oo lagu helo in ay ku xad gudubto awaamiirtan in loola dhaqmi doono sidii dadka looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin dhaca joogtada ah ee aafeeyay deegaanka.
Sida laga soo xigtay Njagi, meydadka oo la rumeysan yahay inay ahaayeen rag dhallinyaro ah qaasatan arday ah ayaa la cadeyn karin inay ahaayeen dhibanayaal la soo weerar mse kuwa dhaca dadka u geesta oo ay iska dhiciyeen dadka deegaanka.
Njagi ayaa ku booriyay dhalinyarada in ay ka waantoobaan falalka dambiyada ah taa badalkeedana ay diirada saaraan sidii ay mustaqbal wanaagsan u dhisi lahaayeen iyadoo loo marayo shaqo daacad ah.
Meydadka ayaa la dhigay qolka meydadka ee isbitaalka Embu Level Five iyadoo baaritaanada ku aadan falka ay billawdeen.
Saraakiisha ammaanka ayaa dadka deegaanka ka codsaday inay wixii xog ah ee ku saabsan falkan lala soo wadaago.