Bandow habeenkii ah oo ka dhaqan galay Comoros

0
179

Waxaa dalka Comoros ka dhaqan galay bandow habeenkii ah ka dib dibadbaxyo ka dhashay in markii afaraad uu madaxweynaha wadankaasi Azali Assoumani ku guulaystay xilka madaxtinnimo.
Talaadadii ayay ahayd markii guddiga doorashooyinka ee Comoros uu shaaciyay in Assoumani uu dalkaasi sii hoggaamin doono shan sano oo kale.
Waxaa tallaabadaasi ka dhashay mudaaharaadyo.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa shaacisay amarka bandowga si xaaladda taagan loola tacaalo.
Madaxweynaha oo ay xilka hoggaanka kula tartamayeen shan musharrax oo kale ayaa codeyntii dhacday Axadii ka soo hooyay boqolkiiba 62.97 ee codadkii la dhiibtay.
Afhayeenka dowladda Comoros ,Houmed Msaidie, ayaa taageerayaasha musharraxiinta madaxweynenimo ee loolanka looga adkaaday ku eedeyay inay dibadbaxyo dhigayaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in la xiray dhowr qof oo mudaaharaadyada ka qayb qaatay.