Bandow habeenkii ah oo ka dhaqan galay Afghanistan

0
570

Dowladda dalka Afghanistan ayaa wadankaasi ku soo rogtay bandow habeenkii jiraya kaasoo saameynaya 31 gobol .
Tallabadan ayaa looga gol-leeyahay in lagula tacaalo weerarrada rabshadeysan ee ay sare u qaaday kooxda Taalibaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Afghanistan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in amarkan aan laga dhaqangelin doonin Kabul, Panjshir iyo Nangarhar.
Bandowga ayaa shaqeynaya inta u dhexeyso 10-ka fiidnimo ilaa 4-ta aroornimo ee saacadda dalkaasi sida laga soo xigtay ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Axmad Zia Zia,