Bandow caawa ka dhaqan galaya New Delhi

0
900

Waxaa caawa caasimadda dalka India ee New Delhi ka dhaqan galaya Bandow looga gol-leeyahay xakameynta faafidda cudurka COVID-19.
Tani ayaa timid ka dib markii India laga diiwaangeliyay xaaladaha cusub ee caabuqa corona oo gaaraya 273,810.
Sidoo kale 1,619 qof oo dheeraad ah ayaa halkaas cudurka ugu dhintay waxayna dhimashada guud tahay 178,769.
Kiisaska guud ee cudurka ee India ayaa ah in ka badan 15 milyan waana wadanka afaraad ee caalamka marka la eego tirada xaaladaha laga xaqiijiyay marka laga soo tago Maraykanka Brazil iyo Mexico .