Shacabka dalka Indonesia ayaa maanta mar kale caasimadda wadankaasi ee Jakarta ka sameeyay bannaanbax wayn oo ay garab istaag ugu muujinayaan dadweynaha Falastiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo isbitaal ku yaalla Qaza oo ay si iskood ah uga shaqeeyaan dad ka soo jeedo Indonesia uu wajahaya gaabad dhanka agabka iyo adeegyada caafimaadka ah.
Waxaa halkaasi saameyn ku yeeshay duqeymaha Israa’iil iyo gu’odoomintii la geliyay Qaza.
Tan iyo 7-dii bishii hore ee Oktoobar, waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay 9,488 qof oo Falastiiniyiin ah halka dhanka Israa’iil ay ka dhinteen in ka badan 1,400 oo qof.