Ballanqaadyo loo sameeyay dhakhaatiirta Gaarisa iyo Embu ka dib wadahadallo lala yeeshay KMPDU

0
29

Ururka ay ku midhaysan yihiin Dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa ku dhawaaqay horumarro waaweyn oo saameeynaya dhakhaatiirta ismaamullada Gaarisa iyo Embu ka dib markii ay si gooni gooni ah ula shaqeeyeen dowladaha hoose, taasoo keentay dallacaad, shaqo beddel iyo heshiis dib ugu laabasho shaqo.
Dowladda deegaanka Gaarisa, Xoghayaha Guud ee KMPDU Dr. Davji Atellah ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ismaamulka oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Nathif Jaamac ay la kulmeen wakiillada ururka 5-tii bishan December.
Intii lagu jiray kulanka, barasaabka ayaa ballanqaaday inuu dallacsiin doono dhammaan la taliyayaasha caafimaadka ugu dambeyn 17-ka bishan oo maanta ku beeggan.
Dr. Atellah ayaa xaqiijiyay in waraaqaha dallacsiinta ee dhakhaatiirta ay dhibaatadu saameysey ay diyaar u yihiin in laga qaado Isbitaalka Heerka 5-aad ee Gaarisa.
Waxaa uu xusay in shan dhakhtar aysan weli helin warqadahooda dallacsiinta sababo la xiriiro la’aantooda shahaadooyinka qalin jabinta, isagoo intaa ku daray in dallacsiintooda la fulin doono marka dukumentiyada loo baahan yahay la bixiyo.
Si gaar ah, madaxa KMPDU ayaa ku dhawaaqay saxiixa qaacidda dib ugu noqoshada shaqada (RTWF) ee dowladda ismaamulka Embu ka dib kulan wadatashi ah oo la qabtay 15-kii bishan.
Kulanka ayaa waxaa hoggaamineysay barasaabka Embu Cecily Mbarire waxaa ayna isku dayday inay wax ka qabato arrimaha lagu soo qaaday ogeysiis shaqo joojin ah oo la soo saaray 17-kii bishii hore ee November, iyadoo shaqa joojinta ay si rasmi ah u bilaabatay 1-dii bishan December.
Sida ku cad heshiiska, dowladda Embu ayaa xaqiijisay in 59 dhakhtar la dallacsiiyay iyadoo la raacayo qaacidda dib ugu noqoshada shaqada oo la saxiixay bishii Agoosto 2024-kii, marka laga reebo sagaal iyo toban la taliye caafimaad.
Heshiisku ayaa sidoo kale dhigay in 30 dhakhtar oo hore loogu shaqaaleeysiiyay shuruudaha qandaraaska loo beddelo shuruudo joogto ah iyo kuwo howlgab ah.
Intaa waxaa dheer, dowladda ismaamulka ayaa ballan qaadday in dhammaan shaqaalaysiinta mustaqbalka ee dhakhaatiirta Embu ay ku jiri doonto shuruudo joogto ah iyo kuwo howlgab ah.
Dr Atellah ayaa sheegay in go’aannada lagu gaaray Embu si sax ah loogu diiwaan geliyay qaacidda ku laabashada shaqada, maxkamadna lagu meel marin doono.
Waxaa uu sheegay in ururka uu soo dhaweeyay ballanqaadka ay dowlad deegaanka u samaysay shaqaalaynta joogtada ah iyo tan howlgabka ah ee dhakhaatiirta, isagoo qiray wadahadalkii ay muujisay dowladda Embu.