Bahrain oo soo celinaysa xiriirkii kala dhexeyay Lebanon

0
416

Dowladda Bahrain ayaa sheegtay inay dib u soo celinaysa xiriirkii dibloomaasiyadeed ee kala dhexeyay Lebanon.
Tani ayaa timid ka dib markii labada dhinac uu soo kala dhex galay muran ku aaddan howlgallada militari ee uu hoggaaminaya Sacuudiga ee ka socdo Yemen.
Xiriirka Bahrain iyo Lebanon ayaa xumaa muddo sanad iyo bar ah.
Hasa ahaate xukuumadda Manama ayaa shaacisay inay si buuxda u soo celinaysa cilaaqaadka , tallabadan oo ay soo dhaweysay Beirut.