Bahrain oo hakisay xiriirka dhaqaale ee Israa’iil

0
223

Baarlamaanka dalka Bahrain ayaa shaaciyay in dowladda wadankaasi ay ceyrisay safiirkii Israa’iil iyadoo dib ugu yeertay danjiraha ku matalo Tel Aviv.
Bahrain ayaa sidoo kale hakisay xiriirkii dhaqaale ee kala dhexeyay Israa’iil.
Bayaan lagu daabacay shabakadda rasmiga ee baarlamaanka dalkaasi ayaa lagu sheegay in danjirihii Israa’iil uu ka baxay Bahrain.
Tallaabooyinkan ayaa loo aaneeyay garab istaagga xaqiijinta xuquuqda shacabka Falastiin.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Bahrain ayaan weli arrinkan uga hadlin si faahfaahsan.
Bishii Sagalaad ee sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii ay wanaajisay xiriirka kala dhexeya Israa’iil.