Babu Owino oo sheegay in ilaalladiisa lagala laabtay

0
706

Xildhibaanka deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Babu Owino ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladda ay kala laabatay saraakiishii ilaallada u ahayd.
Waxaa uu xusay in tallaabadan ay weerar toos ah ku tahay xurriyadaha dimuqraadiyadeed.
Babu ayaa xusay in ay tahay isku day ku aaddan in la cabsi geliyo madaxda la soo doortay ee la safta shacabka.
Mudanaha deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Babu Owino ayaa shalay la arkayay isagoo garab istaag u muujinaya dibadbaxayaasha.
Hasa ahaate, waxaa uu tilmaamay in ilaallada lagala laabtay aan marnaba lagu cabsi gelin doonin si loo aamusiiyo.
Waxaa uu ballan qaaday inuu sii wadi doono u ololeynta cadaaladda.
Waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay feejignaadaan , midoobaan oo ay la xisaabtamaan hoggaamiyaasha.
Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in dhaqdhaqaaqa lagu raadinaya cadaaladda aan la joojin karin oo aynan marnaba ka daali doonin.