DHEGEYSO:Babu Owino oo sheegay in aynan ka bixin ODM

0
616

Xildhibaanka deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino ayaa sheegay in siyaasiyiin da’yar ah oo uu ka mid yahay kuwaasoo loo yaqaano Kenya Moja Third Force ay weli ka tirsan yihiin xisbiga mucaaradka ee ODM.
Waxaa uu sheegay in ay keliya xaqiijinayaan oo ay dowladda kula xisaabtamayaan oofinta ballanqaadyadii siyaasadeed sida shaqooyinka, caafimaadka iyo waxbarashada.
Babu Owino oo u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in qofka hoggaamiyaha ah ee la soo doortay ay mas’uuliyad ka saaran tahay in isagoo matalaya shacabka uu dowladda kula xisaabtamo waxqabadkeeda.