Warbixin ay soo saartay shirkadda Henley ee uu fadhigeedu yahay magaalada London ee Ingiriiska ayaa lagu sheegay in baasaboorka Kenya uu caalamka uga jiro lambarka 69-aad .
Waxay shirkadda qiimeysay baasaboorro dhan 199 iyo tirada dalalka ee lagu tagi karo fiisa la’aan.
Kenya iyo Gambia oo sanadkan uu baasaboorkoodu liiska ka galay lambarka 69-aad ayay shirkaddu sheegtay in dal ku gal la’aan lagu tagi karo 71 waddan.
Sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii la sheegay in baasaboorka Kenya uu liiska uga jiro lambarka 77-aad.
Waxaa baasaboorrada dunida ugu liita kan Soomaaliya oo ay shirkadda xustay in lagu tagi karo 32 waddan.
Dunida oo dhan, waxaa baasaboorrada waddamada ugu awood badan midka Singapore oo lagu tagi karo ilaa 193.




