Baarlamaannada Kenya iyo Ruushka oo xiriirkooda xoojinaya

0
347

Golayaasha xeer dejinta ee waddamada Kenya iyo Ruushka ayaa ku heshiiyay inay sare u qaadaan iskaashiga ka dhexeya.
Tani ayaa looga gol-leeyahay xoojinta dibloomaasliyadda iyo wada shaqeynta labada dhinac.
Arrintan ayaa shaaca laga qaaday ka dib kulan dhex maray guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula iyo safiirka dowladda Ruushka ku matalo Kenya Dmitry Maksimychev.
Shirka labada mas’uul ayaa ka qabsoomay xarunta baarlamaanka ee magaalada Nairobi.
Maksimychev ayaa Wetangula ugu hambalyeeyay in loo doortay hoggaaminta golaha xeer dejinta.
Waxaa uu u sheegay in dhigiisa Ruushka uu diyaar u yahay inay iska kaashadaan dibloomaasiyadda xeer dejinta.
Moses Wetangula ayaa dhankiisa soo jeediyay in labada dowladood ay iska garabsadaan arrimaha dalxiiska , gaadiidka , tiknolojiyadda iyo dhinacyo kale.
Sidoo kale mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay in xubnaha baarlamaanka ee Kenya iyo Ruushka loo sameeyo aqoon iswaydaarsi ku saabsan hoggaanka siyaasadeed.