Baarlamaannada Kenya iyo Colombia oo ku heshiiyay inay wada shaqeeyaan

0
227

Goleyaasha qaran ee xeer dejinta ee dalalka Kenya iyo Colombia ayaa isku afgartay inay billaabaan nidaam ay ku wada shaqeyn karaan.
Tani ayaa la doonaya in lagu xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhanka xeerarka.
Waxaa heshiiskan qayb ka ahaa ku xigeenka guddoomiyaha aqalka sare Kathuri Murungi, oo matalayey guddoomiyaha senate-ka Amason Kingi oo shir uga qayb galaya Koonfur Afrika.