Baarlamaanka wadanka Pakistan oo dooranayaa Ra’isul wasaare Cusub

0
642

Xil ka qaadistii Ra’isul wasaaraha Pakistan ee Imran Khan ayaa keentay in Pakistan ay qaado waddo siyaasadeed oo aan la hubin, iyadoo taageerayaashiisa ay isugu soo baxeen waddooyinka kuwaas mudaaharaadaya.
Mucaaradka dalkaas ayaana isku diyaarinayaa inay soo dhisaan badalka Imran Khan.
Mr Khan ayaa xilka laga tuuray subaxnimadii hore ee Axadda ka dib markii 174 xildhibaan ay u codeeyeen mooshiin kalsooni kala noqosho ah.
Imran Khan waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Pakistan oo codka kalsoonida ah lagala laabtay, iyadoo ay baarlamaanka u fadhiyeen arrintiisa mudo 13 sacadood ah.
Baarlamaanka wadanka ayaa lagu wadaa in ay kulmaan si ay u doortaan ra’iisul wasaare cusub, iyadoo hogaamiyaha mucaaradka Shehbaz Sharif uu ugu cadcad yahay inuu ku guuleysto xilkaas ka dib qalalaase dastuuri ah oo socday muddo toddobaad ah.