Baarlamaanka Vietnam oo doortay madaxweyne cusub

0
256

Golaha qaran ee xeer dejinta Vietnam ayaa xilka madaxweynaha ee wadankaasi u doortay Vo Van Thuong.
Tani ayaa qayb ka ah isbeddel lagu sameeyay hoggaanka ugu sarreeya ee dalkaasi iyadoo uu dhanka kale socdo olole wayn oo ka dhan ah musuqmaasuqa.
Kal-fadhiga ay maanta yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Vietnam ayaa lagu tilmaamay mid aan caadi ahayn.
Tallaabada xildhibaannada ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya uu shalay Thuong oo 52 sano jir ah u soo xushay musharraxa keliya ee matalaya.
Waxaa arrinkan codkooda ku taageeray 487 ka mid ah 488-da xubnood ee baarlamaanka dalkaasi si ay ku warramaysa warbaahinta dowladda Vietnam.
Tani ayaa ku soo aadaysa ka dib markii bishii Koowaad ee sanadkan si lama filaan ah xilka looga qaaday madaxweynihii Vietnam Nguyen Xuan Phuc oo lagu eedeyay inuu xadgudub sameeyay sidoo kalena ay khaladaad ka dhaceen xubnaha maamulkiisa.
Tallaabada xafiiska looga saaray Phuc ayaa sii xoojisay dagaalka uu dalkaasi kula jiro falalka wax isdaba marinta.