Baarlamaanka Ukraine oo u codeeyay in shacabka loo ogolaado inay hub qaataan

0
538

Baarlamaanka dalka Ukraine ayaa u codeeyay akhrinta koowaad ee ah in la ansaxiyo sharci qabyo ah oo dadweynaha wadankaasi u oggolanaya in ay hub qaataan si ay dalkooda u difaacaan.
Sharcigan ayaa dhigaya in ansaxintiisa dani ugu jirto qarankaasi iyo dadweynihiisa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sharciga loo baahanyahay sababo la xiriira khatarta ka imaan karto dowladda Ruushka.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo uu Ruushka dalal u aqoonsatay madax banaanida laba gobol oo ka go’ay bariga wadanka Ukraine.
Ruushka oo lagu tuhmay inuu qorsheynayo duullaan ka dhan ah Ukraine ayaa taasi iska fogeeyay.
Dhanka kale, xoghayaha arrimaha dibbada ee dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa kansalay kulan uu la yeelan rabay wasiirka arrimaha dibbada ee Ruushka Sergey Lavrov.
Kulanka ayaa horraan loo balansanaa inuu berri qabsoomo.