Baarlamaanka Thailand oo u codeynaya Ra’iisul Wasaare cusub

0
179

Baarlamaanka dalka Thailand ayaa billaabay inuu cod u qaado magacaabidda Ra’iisul Wasaare cusub.
Waxaa jagadan si aan tartan lahayn isugu soo bandhigay madaxa xisbiga Move Forward ,Pita Limjaroenrat.
Mas’uulkan ayaa 42 sano jir ah.
14-kii bishii Shanaad ee May ee sanadkan ayay ahayd markii ay dalka Thailand doorasho guud ka dhacday.
Waxaa dhanka kale laga cabsi qabaa in wadankaasi ay soo wajahdo xasilooni darro siyaasadeed maadaama ay horay uga dhaceen inqilaabyo militari.