Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta codka kalsoonida u qaadaya xukuumadda magacaaban

0
714

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi ahayn, iyadoo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirrada ee dhawaan uu Magacaabay.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Islamarkaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.
Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirrada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isagoo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.
Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirrada cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala golaha xeer dejinta, iyagoo weydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.
Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hannaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirrada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qaybsiga Beelaha Soomaaliyeed, balse Maanta laga war sugayaa go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.