Baarlamaanka Shiinaha oo muddo xileed 3-aad u ansixiyay madaxweynaha dalkaasi

0
386

Baarlamaanka dalka Shiinaha oo ka kooban ku dhawaad 3,000 oo xubnood ayaa madaxweynaha wadankaasi Xi Jinping si aqlabiyad leh ugu codeeyay inuu Shiinaha sii hoggaamiyo shan sano oo dheeraad ah.
Tani ayaa ka dhigan muddo xileedkii Saddexaad ee mas’uulkan.
Xubnaha baarlamaanka Shiinaha ee National People’s Congress (NPC) ayaa tallaabadan qaaday ka dib isbeddel lagu sameeyay dastuurka.
Waxaa uu isbeddelka dastuuriga ah meesha ka saaray in muddo xileedka madaxweynaha uu ku kooban yahay labo xilli oo min shan sano ah.
2,952 xubnood ayaa arrintan codkooda ku taageeray wax ka yar labo saacadood gudahooda mana jirin cid ka soo horjeesatay kordhinta muddo xileedka madaxweynaha.