Xeer dejiyaasha dalka Ruushka ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeed ku saabsanaa in lala wareego hantida dadka dhaleeceeya ciidamada qalabka sida ee wadankaasi.
Waxaa arrintan codkooda ku taageeray 395 xubnood halka saddex ay ka soo horjeesteen.
Tani iyo markii uu Ruushku duullaan ku qaaday Ukraine waxay xukuumadda Moscow mamnuucday in la dhaleeceeyo howlgalka militari.
Sidoo kale waxaa la xiray kumanaan shacab ah oo ka soo horjeeda dagaalka weli ka socdo Ukraine.