Baarlamaanka Puntland oo u codeeyay in la beddelo qodobbadii muranka uu ka taagnaa ee dastuurka

0
261

Baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa saaka si rasmi ah waxay ugu codeeyeen in la beddelo qodobbadii dastuuriga ahaa ee ka hor imaanayay in la ballaariyo xisbiyada siyaasadeed ee Puntland.
Fadhi ay yeesheeen baarlamaanka, ayaa 54 xildhibaan waxay cod gacan taag ah ugu codeeyeen wax ka beddelka qodobbada dastuurka ee horay loo soo jeediyay, iyadoo 4 mudane ay diideen, halna uu ka aamusay.
Qodobka ugu muhiimsanaa ee uu muranka ka taagnaa ee la beddelay waxa uu ahaa, qodobka dastuuriga ah ee sheegayay in saddex xisbi ay ku soo baxaan doorashada, taasoo hadda laga dhigay 9 xisbi in ay noqdaan.
Waxaa uu baarlamaanka isku raacay soo jeedin ku saabsanayd in sagaalka urur siyaasadeed ee hadda jira ay noqdaan 9 xisbi siyaasadeed, taas oo ahayd talo soo jeedin ay dhawaan soo jeediyeen ra’iisul wasaarayaal hore, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdiarshiid
Waxaa kale oo baarlamaanka meel mariyay in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay soo doortaan shacabka, waxaana meesha laga saaray qodob dastuuri ah oo sheegayay in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay soo doortaan baarlamaanka.
Khilaafka ugu badan ayaa wuxuu ka taagnaa wax ka beddelka dastuurka iyadoo mucaaradka uu si adag uga soo horjeeday,  lama oga tallaabada ay qaadi doonaan.