Baarlamaanka Puntland oo meel mariyay wax ka beddelka dastuurka xilli Garoowe uu dagaal ka socdo

0
289

Baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta fadhi ka yeeshay wax ka beddelka dastuurka Puntland ayaa dood dheer ka dib waxay isku raaceen 34 mudane arrinta la soo gudbiyay oo ah wax ka beddelka dastuurka.
Fadhiga waxaa soo xaadiray 35 mudane taas oo ka dhigan in hal xildhibaan uu ka aamusay.
Wax ka beddelka dastuurka ayaa ahayd soo jeedin ka timid guddiga gaarka ah ee falanqeynta wax ka beddelka dastuurka.
Tillaabadan ayaa imaaneysa xilli xiisad ay ka taagantahay magaalada Garoowe, taas oo ka dhalatay isla howshaan la xiriirta wax ka beddelka dastuurka.