Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan Shehbaz Sharif ayaa shaaciyay in baarlamaanka wadankaasi la kala diraya 9-ka bishan Siddeedaad.
Go’aankan ayaa dhaqangalaya saddex cishe ka hor xilligii uu ahaa inuu dhammaado muddo xileedka shanta sano ah ee golaha xeer dejinta Pakistan .
Tallaabada baarlamaanka lagu jebinaya ayaa Pakistan u horseedaysa inay dabayaaqada sanadkan ka qabsoomaan doorashooyinka guud.
Dastuurka Pakistan ayaa qeexaya in haddii baarlamaanka la kala diro xilligii loogu tala galay ay doorashada dhacaysa 60 cishe ka dib balse haddii xita hal maalin laga soo horumaro , codeynta lagu qabanaya saddex bilood gudahooda.
Shehbaz Sharif ayaa Ra’iisul Wasaaraha Pakistan noqday bishii Afaraad ee sanadkii hore ka dib markii Imran Khan oo xukuumadda hoggaaminayay ay baarlamaanka xafiiska uga saareen codka kalsooni kala laabashada.