Baarlamaanka oo u yeeray wasiirka maaliyadda ee dalka

0
260

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa billaabay baaritaano ku aaddan dhaliil loo jeediyay wasaaradda maaliyadda.
Senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah ayaa wasaaradda ku eedeyay in bishii 6-aad ee sanadkan ay si sharci darro ah qasnadda dowladda uga saartay 17 bilyan oo shilin.
Waxaa uu sheegay in lacagtaasi lagu kabay ganacsiga shirkado wadanka soo geliyo shidaalka oo lala xiriiriyay Ann Njeri.
Guddiga baarlamaanka ee arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta qaranka ayaa sheegay inuu eedeymahan baaritaano dabagal ah ku sameyn doono.
Guddoomiye ku xigeenka guddigan Benjamin Lang’at, ayaa xusay inay la kulmi doonaan daneeyayaasha arrimahan lala xiriirinaya oo ay ugu horreeyaan wasiirka maaliyadda Njuguna Ndung’u iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Chris Kiptoo.
Kulankan ayaa la filayaa inuu qabsoomo Talaadada soo socoto.