Baarlamaanka oo u yeeray wasiirka batroolka

0
401

Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta ayaa u yeeray wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta John Munyes.
Waxaa sidoo kale xubnaha guddiga ka soo hor muuqanaya xoghayaha joogtada ee wasaaraddan Andrew Kamau.
Mas’uuliyiintan ayaa laga doonaya inay faahfaahiyaan lacag dhan 1.3 bilyan oo shilin oo la sheegay inay wasaaraddu bixisay.
Guddiga maaliyadda ee baarlamaanka oo arrinkan baaritaano ku sameynaya ayaa qabo tuhun ah in lacagaha la bixiyay ay horseedday inuu kordho qiimaha noocyada shidaalka ee dalka.
Guddoomiyaha guddigan ahna wakiilka haweenka ee ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa sheegtay in dokumeentiyada ay hayaan ay muujinayaan in maraakiib shidaal sidday si ula kac ah loogu hakiyay dekadda magaalada Mombasa si qarashaad dheerad ah loogu bixiyo dib u dhacaasi.