Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha tamarta ayaa u yeeray haweeney ganacsata ah oo lagu magacaabo Ann Njeri Njoroge.
Waxaa laga doonaya inay xubnaha guddigan hor tagto 22-ka bishan 11-aad.
Ann ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonto shidaal uu qiimihiisu yahay 17 bilyan oo shilin oo ay dibadda dalka ka keentay kaasoo muran dhaliyay.
Xubnaha guddiga tamarta ee baarlamaanka ayaa doonaya in Ann ay la wadaagto dokumeentiyada muujinaya inay tahay milkiilaha dhabta ah ee shidaalkaasi.
Haweeneydan oo uu matalaya qareenkeeda Cliff Ombeta ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay guddiga ka soo hormuuqato si u caddeyso inay wadanka soo gelisay 100,000 metric tonnes oo shidaal ah.
Wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Davis Chirchir iyo maamulka maareeya dekadaha ee (KPA) ayaa sheegay in Ann Njeri aynan ahayn milkiilaha saxda ah ee shidaalka oo ay adeegsanaysa dokumeentiyo been abuur ah.
Guddoomiyaha guddiga maamulo KPA Benjamin Tayari ayaa sheegay in shidaalka lagu muransan yahay ay wadanka soo gelisay shirkadda Galana.