Guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha cadaaladda iyo dastuurka ee JLAC ayaa turxaan bixin ku sameeyay Ms. Salome Wairimu Muhia oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay xilka xoghayaha joogtada ee waaxda asluubta ee wasaaradda arrimaha gudaha.
Ms. Muhia ayaa haysata shahaadada heerka Masters ee culuunta sharciga gaar ahaan hoggaanka iyo maamul wanaagga oo ay ka qaadatay jaamacadda Nairobi.
Waxay sidoo kale arrimaha sharciga ka shaqeynaysay in ka badan 25 sano.
Waxyaabaha ay ballan qaaday waxaa ka mid ah inay wanaajin doonto adeegyada tiknolojiyadda ee xarumaha asluubta si maxaabiista ay u helaan xirfado casri ah.
Home Wararka Kenya Baarlamaanka oo turxaan bixiyay haweeney loo soo magacaabay xoghayaha waaxda asluubta