Baarlamaanka oo turxaan bixinaya shakhsi daneynaya xilka guddoomiyaha guddiga CBK

0
252

Waxaa maanta turxaan bixin lagu sameeyay Andrew Musangi oo doonaya inuu noqdo guddoomiyaha guddiga maamulo bangiga dhexe ee dalka ee CBK.
Waxaa su’aallo waydiiyay guddiga iskudhafka ah ee arrimaha maaliyadda iyo miisaaniyadda ee baarlamaanka iyo aqalka sare oo uu ka soo hormuuqday.
Musangi ayaa qiimaha hantidiisa ku sheegay 1.2 bilyan oo shilin.
Waxaa uu horay u soo noqday guddoomiyihii guddiga doorashooyinka ee xisbiga Jubilee ka hor inta uunan is casilin.
Waxaa uu cadeeyay in uunan kaalin firfircoon ka qaadan doorashadii guud ee dalka ka dhacday sanadkii hore.
Andrew Musangi ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii magaciisa la ansixiyo uu xaqiijin doono in bangiga dhexe ee dalka ee CBK uu ku shaqeeyo qaab daahfuran oo aynan jirin waxyaabaha dhanka maaliyadda ah oo shacabka ka qarsoon.