Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha difaaca iyo xiriirka dibadda ayaa isbuucan billaabaya baaritaano xaqiiqo raadin oo ka dhan ah ciidamada boqortooyada Ingiriiska ee ku sugan gudaha Kenya.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamadan oo loo yaqaano (BATUK) lagu eedeyay musuqmaasuq, khiyaano , takoor , ku tagriifal awoodeed, jirdil , xabsi geyn aan sharci ahayn , dilal iyo xadgudubyo kale oo liddi ku ah xuquuqul aadanaha.
Sida ku cad jadwalka uu soo saaray karaaniga baarlamaanka dalka , xubnaha guddiga gaashaandhigga iyo xiriirka dibadda ee uu guddoomiyaha u yahay xildhibaanka deegaanka Belgut,Nelson Koech ayaa laga billaabo 28-ka bishan ilaa 30-ka May booqan doono ismaamullada Laikipia iyo Samburu si ay dadweynaha u wareystaan.
Waxay si gaar ah u eegayaan hufnaanta howlgallada qaybta ciidamada Ingiriiska ee Kenya ee BATUK, nidaamyada xaqiijinta badqabka ee u degsan iyo sida ay ugu hoggaansamaan xeerarka maxalliga ah.
Guddiga ayaa kenyaanka ku wargeliyay in ay ka soo qayb galaan kulamada dadweyne ee la qabanaya si loo xaqiijiyo eedeymaha loo jeediyay saraakiisha.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee (KNHCR) uu baarlamaanka ka dalbaday inuu ciidamadan kula xisaabtamo gaboodfallo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo lagu eedeyay.
Safaaradda Ingiriiska ee Kenya ayaa laga soo xigtay in gudaha wadanka ay uga sugan yihiin 230 oo ah saraakiil militari oo badankooda ka tirsan qaybta BATUK.