Waxaa uu qorshuhu yahay in 30-ka bishan Shanaad ee May uu baarlamaanka dalka turxaan bixin ku sameeyo agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji oo uu dhawaan madaxweynaha wadanka William Ruto u magacaabay xilka agaasimaha adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.
Kenyaanka ayaa haysta ilaa Isniinta si ay u gudbiyaan aragtidooda ku aaddan in Nuurdiin uu u qalmo inuu jagadan qabto.
Waxaa Nuurdiin su’aallo waydiin doono xubnaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan difaaca , sirdoonka iyo xiriirka dibadda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah ururrada bulshada ay ka soo horjeesteen magacaabidda Nuurdiin Xaaji oo ay ku eedeynayaan inuu ku xadgudbay dastuurka ka dib markii uu meesha ka saaray dacwado ay wajahayeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda.
Hasa ahaate agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka ayaa iska fogeeyay eedeynta loo jeediyay isagoo sheegay in kiisaska laga saaray maxkamadaha loo maray hab sharci ah.
Ururka qaran ee hufnaanta ayaa wacad ku maray in haddii xildhibaannada ay ansixiyaan magacaabidda Nuurdiin Xaaji inay maxkamadda u gudbin doonaan dacwad cabasho ah.