Baarlamaanka oo su’aal geliyay miisaaniyadda madaxtooyada

0
334

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa walaac ka muujiyay miisaaniyadda dhaqaale ee madaxtooyada wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday in State House ay sanad maaliyadeedka 2024/2025-ka qorsheynaysa in ay adeegsato lacag dhan 7.9 bilyan oo shilin.
Xeer dejiyaasha ayaa qorshahan dhaliilay waxayna ku tilmaameen mid aan mudnayn in lagu tallaabo qaado xilli ay canshuur bixiyeyaasha wajahayaan xaalado adag oo nololeed dhanka kalena ay dowladdu isku dayaysa in ay hoos u dhigto qarashaadka uga baxa mushaaraadka shaqaalaheeda.
Dokumeentiyada shalay lala wadaagay guddiga baarlamaanka ee arrimaha maamulka iyo amniga gudaha ayaa muujinaya in miisaaniyadda madaxtooyada ee 9.4 bilyan in 7.9 bilyan oo ka mid ah lagu qarash gelin doono howlaha sida mushaaraadka , adeegyada iyo soo iibinta qalabka.
Waxaa dhanka horumarka loogu talagalay keliya 1.5 bilyan oo miisaaniyaddan ka mid ah.
Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Homa Bay Town Peter Kaluma ayaa xusay in madaxtooyada laga doonayo in ay dib u eegto waxyaabaha ay mudnaanta siinaysa.
Maareeyaha madaxtooyada dalka ee State House ,Katoo ole Metito ayaa qiray in sanadihii ugu dambeeyay uu kordhay dhaqaalaha ku baxa arrimaha ay mushaaraadka ka midka yihiin.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in tani iyo markii uu madaxweynaha dalka William Ruto uu hoggaanka qabtay inuu qaabilay madaxweynayaal iyo wufuud heer sare ah.