Baarlamaanka oo shaaciyay tirada hindise sharciyeedyada uu meel mariyay

0
157

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa sheegay in kal-fadhigiisi labaad uu ku ansixiyay hindise sharciyeedyo gaaraya 18.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhammaan hindisayaashan qalinka ku duugay.
Tiradan ayaa qayb ka ah 114 hindise sharciyeed oo maraya heerar kala duwan.
Xeerarkan ayaa la xiriira isbeddelka ku yimaada cimillada , isbeddellada caafimaadka, maalgelinta ay dowladdu ku sameyso mashaariicda muhiimka ah, maaliyadda , qoondeynta miisaaniyadda, xeerka sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NG-CDF iyo kuwo kale.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii mudanayaasha baarlamaanka uu u billowday fasax dheer.